Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Galmudug oo si wada jir ah u dhagax dhigay waddo muhiim ah “SAWIRRO”

3242

Madaxweynaha dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo  dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu mahad celiyaya Gudiga gacanta ku haaya dhismaha wadadaasi dadaalkii adkaa ee ay sameeyeen, kaasi oo ku aadan sidii loo heli lahaa wado wanaagsan, madama halkaasi marar kala duwan ay ka dhaceen shilal geystay qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka geysan doonto dib u dhiska wadadaasi oo muhiim u ah bulshada kunool Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale siweyn uga hadlay arrimaha nabadgeliyada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahanyahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilooniga magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaan madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kaladuwan la qaadanaya madaxda iyo bulshada Galmudug, isago intaasi ka dib lafilayo in uu u safro deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here