Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Xeraale

0
2834

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Xeraale,iyadoo ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha bulshada deegaankaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in uu socdaalkiisu yahay Dib u-Heshisiin uuna u wado Galmudug oo mid ah, loona baahanyahay in Nabadda laga shaqeeyo.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo weli ku guda jira socdaalka ay ku marayaan deegaanada Galmudug ayaa u sii Ambabaxay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here