Madaxweynaha Jubaland oo maanta soo gaaray Muqdisho +Sawirro

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa garoonka¬† diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay wefdiga Madaxweynaha Jubaland.
“Waxaan u nimid in la abshireysto kheyr noqoto wadankana horay u socdo war waa dambeeyaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa horey caasimadda ugu sugnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo madaxda Dowladd Gobaleedyada kale la filayo inay yimaadaan magaalada Muqdisho si loo Amba qaado wadahadalka arrimaha doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here