Madaxweynaha Juballand oo tagay deegaano laga saaray Maleeshiyaadka Al Shabaab “Dhageyso”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juballand ayaa booqasho ku tagay deegaano dhanka Galbeed ka ah Magaalada Kismaayo kuwaas oo dhawaan Ciidanka qalabka sidda kala wareegeen Maleeshiyaadka Al Shabaab.

 

Madadaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu heyn tagay Deegaanka Cabdalla-biroole oo illaa 60 km u jira Kismaayo dhanka Galbeed halkaas oo marsii horeysay laga saaray Kooxda Al Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lakulmay Saraakiisha iyo Ciidanka ee ku sugan halkaas isaga oo kala hadlay sidda Ciidanku howlgalkooda u sii balaarin lahaayeen iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa uu Saraakiisha ku dhiiro galiyey Axmed Madoobe iyo Ciidankaba shaqadda ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo ka hortaagan dhibaatooyinka ay ladamacsan yihiin Kooxaha Argagaxisada.

“Runtii waxa aad qabaneysaan waa wax aad u heysaan dadkiina iyo dalkiina abaalkiina majirto cid gudi karta waxaadna joogtaan meel ay halis tahay in uu qof kasta joogo taasna waan idinku amaanayaa” sidaas waxaa sheegay Madaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam oo lahadlayey Ciidanka qalabka sidda.

Madaxweynaha Juballand ayaa sidoo kale waxaa uu tuuladda uu tagay lakulmay dadka deegaanka isaga oo sidoo kale tagay Goobaha Ganacsiga si-uu iyana u dhiiro galiyo dadka deegaanka iyo Ganacsatada si-ay u garab istaagaan Ciidanka.

Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan kuwaas oo ladoonayo in Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saaro meelaha ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Aadan Kismaayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here