Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay ururada bulshada rayidka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xubno ka socday ururada Bulshada Rayidka ah.

Ururada bulshada rayidka ayaa madaxweynaha ku ammaanay dadaalka uu ku bixiyay sidii loo gaari lahaa doorasho heshiis lagu yahay xilliga kala guurka.

Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ayaa sidoo kale sheegay inay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here