Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiyaha guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubbaland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Eng Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha lana soo dhigay Barta Facebook ee Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Eng Cabdi Xuseen Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha ayaa horray u soo noqday Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here