Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xaflada Mahadcelin ah loogu qabtay mgaalada Xudur.

Xaflad lagu boogaadinayey mashaariicda hormarineed ee laga fuliyey degmada xuddur looguna mahadcelinayay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu qabtay xanuunista  magaalada Xuddur.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada Xuddur waxa mahadcelin iyo sagootin loogu sameeyey wafdiga balaaran oo uu hogaaminayey madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo isugu jirey xildhibaano wasiiro iyo saraakiil ciidan.

Xafladaan oo lagu qabtay xaruunta hanuuninta daweynaha ee bartamaha magaalada waxa ka soo qeybgalay fanaaniinta xidigaha xuddur, fanaaniinta kooxda jinaawkey oo xalay wacdaro dhigay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay socotay xaflada waxa aad loo amaanay waxqabadka maamulka koofur galbeed gaar ahaan mashaariicda hormarineed ee laga fuliyey degmada Xuddur oo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen xariga kajaray intii uu ku sugnaa magaalada Xuddur.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed ayaa lagu wadaa maanta inuu xariga ka jaro Guriga martida ee magaalada Xuddur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here