Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe

 

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Baraawe kusoo dhaweeyay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

U jeedka Madaxweynaha koonfur Galbeed uu u tegay Baraawe ayaa ah sidii uu xariga uga jari lahaa Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in mashaariic horumarineed laga fuliyo Degmada Baraawe ee Gobolka shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here