Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Madaxwayanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, Ku-xigeenkiisa Cali Ciid iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale, Madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa ku wajahan magaaladaas, kuwaas oo iyana ka qeyb galaya shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here