Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Todobaadkan shirka waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Caafimaadka iyo Gargaarka,

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray laamaha amniga inay dardargeliyaan xoojinta Nabadgelyada, maadaama todobaadyada soo socda halkaasi lagu qaban doono doorashada.