Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo soo gaaray Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in dhawaan ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Socdaalkayga muqdisho ayaa ah ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga qaran ee aan uga arinsanayno dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka.