Madaxweynaha maamulka Puntland oo dhagaxdhigay dhismaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo+Sawirro

2846

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa maanta 05 September, 2016 si wada jir ah u dhagax dhigay  dhisme cusub iyo sidoo kale barnaamij dib u dayactir loogu samayn doono cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka Cusbitalka guud ee Gaalkacyo, guddiga dib u dhiska cusbitalka, saraakiisha ciidanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladdda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan barnaamij dib loogu dhisayo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana dib u dayactir loogu samayn doono qaybaha ka mid ah cusbitalka ee ka badbaadey weerarkii bahalnimo ee argagixisada Al-shabaab ay dhowaan la beegsadeen suuqqa xero dayax iyo xarunta dawladda Hoose  oo deris la ah cusbtilka guud ee degmada Gaalkacyo.

Dr Cabdiweli ayaa ugu baaqay ganacsadata, qurbe joogta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland-ba in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qayb qaataan dib u dhiska cusbitalka iyo dib  u dayactirkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigga kaddib waxa uu u amba baxay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga Qaran oo noqonaya  shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhammaystiri doono arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

DSC08874 DSC08876 DSC08879 DSC08881 DSC08923

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa in ay maamulgoboleedka galmudug dhagaxdhigaan isbitaalka laga dhisaayo gaalkacyo si sharci ah waa galmudug magaalada gaalkacyo , sharciga waa in la ilaaliyo, , dowlada dhexe ee soomaaliya waa in ay ka hadasho qaladaadka ay ku kacaayaan pontland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here