Madaxweynaha Masar iyo Qoyskiisa oo La Karantiilay

Madaxweynaha Dawladda  Masar Abdulfatax Al-Siisi ayaa lagu karantiilay goob gaar ah oo caafimaadkeeda aad loo hubiyay, waxaana arrintaas keenay saamaynta uu cudurku ku yeeshay shacabka reer Masar.

Arrintan ayaa timi kadib markii caabuqa Crona Virus dartiis ay u dhinteen laba General oo ka tirsanaa ciidanka Militariga Masar, kuwaas oo lakala oran jiray Major Shafi fada Dawood iyo Khaled Shaltout.

Dalka Masar waxuu ka mid noqday wadamada dhaca Qaarad Afrika ee Caabuqan Crona Virus uu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here