Madaxweynaha oo arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Yemen kala hadley danjiraha Britain

0
1846

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Danjiraha Britan u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan, isagoo kala hadley arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Yemen iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa u sharraxay danjiraha dadaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay sameysey ee ku wajahan sidii loo soo daadgureyn lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Yemen, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdaan, isagoo dhanka kalena ka codsadey Britain inay gacan ka geysato hawshaasi.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ka warbixiyey qaxooti ka imanaya Yemen oo soo gaaray Soomaaliya, kuwaas oo u baahan gargaar aadminimo iyo in gacan la siiyo maamullada ka jira degaannada ay ku soo degayaan.

Danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr. Wigan ayaa sheegay dowladdiisu diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladahaasi qaxootiga Soomaalida ee Yemen ku sugan, iyo kuwa Yemen ee Soomaaliya soo gaaraya intaba.

Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa waxaa sidoo kale looga hadley xaaladaha siyaasadda Soomaaliya iyo Hiigsiga sannadka 2016-ka.

-DHAMMAAD-

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here