Madaxweynaha oo Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016

1174

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou.

Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wadahadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016, iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladda, baarlamanka , qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaa raaciyey in rajada la qabo ay tahay in sannadka dambe ay qeybo ballaaran oo bulshada ka mid ah ay cod ku yeeshaan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ku tallaabsatey, isagoo dhanka kalena ka hadley doorka AMISOM ee hawlaha nabad ilaalinta, taageerada ciidammada Soomaaliya iyo in beesha caalamka ay gacan buuxda ka geysato dib u dhiska Soomaaliya

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here