Madaxweynaha oo furey kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka-Sawirro

2600

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furey kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka Barlamaanka ee maanta joogay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo kulanka shir gudoominayay.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa la qeybgalay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid C/laahi “Ilo-Xanaf”, Xeer ilaaliyaha guud,Hanti dhowraha qaranka iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Ugu horeyntii ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed Salaad, intaas ka dib waxaa la gudagalay khudbadihii kulanka ay mas’uuliyiinta ka jeediyeen.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa kala ah mudane Maxamed Cabdi Maxamed oo lagu bedeley marxuum Xildhibaan Cabdi Maxamed Cali iyo mudane Maxamed Cali Daheeye oo isna lagu bedelay marxuum Xildhibaan C/laahi Qayaad Barre.

Afhayeenka Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa Xildhibaanada golaha shacabka u sheegay in xilligan Baarlamaanka ay shaqo adag hortaalo isla markaana waqtiga u harsan uu aad u yaryahay loona baahan yahay in loo diyaar garoobo howshaasi waxaana uu u deceeyey Xildhibaannada,howlwadeennada, geesiyaasha Ciidammada Qalabka sida iyo shacabkii ku geeriyooday shirqoolladii ugu dambeeyey ee cadawga.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu aad uga hadlay xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney ka wada qeybgalaan gurmadka dib loogu soo celinayo walaalahooda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan,kaliyana aan loo baahneyn in dowladda laga dhowro waxaana uu uga mahad celiyey maamullada Puntland,Somaliland iyo Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti sida dalka soo laabtay ay usoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 6 aad ee golaha shacabka ayaa ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay la dagaalanka kooxda UGUS, arimaha qaxootiga dalalka Kenya iyo Yeman oo Soomaali badan ay ku dhibaateysan yihiin.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlayay arimaha federaalka waxaa uu meesha ka saaray in hanaanka goboleysiga uu yahay mid umadda kala qob qobeya isla markaana colaad abuuraya isagoo sheegay in dadka sidaa ka aaminsan federaalka aysan sax aheyn.

Madaxweynaha dalka ayaa Baarlamaanka ka codsaday in ay xooga saaraan shuruucda quseysa federaalka si maamulada KMG ah oo hadda dhisan iyo kuwa kale oo soo socoda ay u noqodaan kuwo buuxiya dhamaan shirciyada ku degsan dalka.

Ugu dameyntii Maaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhalinyarada ay khaldeen kooxda UGUS in ay dadkooda dib ugu soo laabtaan isla markaana dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyn doonto.

IB0A6395 IB0A6399 IB0A6400 IB0A6406 IB0A6410 IB0A6415  IB0A6418 IB0A6443 IB0A6458 IB0A6468 IB0A6473 IB0A6480 IB0A6502 IB0A6506 IB0A6522 IB0A6530 IB0A6550 IB0A6604

Sawir Qaade: Ilyaas iyo Qadar Cali Nuur

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here