Madaxweynaha oo ka dalbaday shacabka Muqdisho iney dulqaataan inta uu socda shirka IGAD+Sawirro

8875

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan inta uu socdo shirka madaxweyneyaasha IGAD kaddib markii si weyn loo adkeeyey ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka madaxweyneyaasha IGAD ayaa ka dhacaya magaalada Muqdisho  markii ugu horreysay bur-burkii Soomaaliya kaddib, dowladda Soomaaliya diyaar-garow badanna waa ay sameysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ammaanka caasimadda si weyn loo adkeeyey oo ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM xaddideen dhammaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, madaxweynuhu waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay  muujiyaan dabacsanaan iyo dulqaad maadaama shirka uu ku soo aaday xiliga maalmaha ciidda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wixii hadda  ka dambeeyey in caasimadda lagu qaban doono shirar kale waa caalami ah, horumarka Soomaaliyana ay astaan u tahay in shirka IGAD oo heer sare  ah in uu ka dhaco.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu aad ugu cel-celiyey in shacabka Soomaaliyeed ay doorkooda qaaataan oo ay gacan siiyaan ciidanka amniga, doorashooyinka ayuu sidoo kale sheegay in loo istaago sidii looga qeyb-qaadan lahaa.

IB0A1384 IB0A1395 IB0A1400 IB0A1440 IB0A1467

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. soomaaliyeey waxaan nahay ummad muslim ah illaahey waxoow na amray in aan illaahey adeecno aana adeecno madaxdeena hadaaney na amreyn wax munkar ah.

    madaxweynaheenu waxoow na amray in aan dowlada la shaqeyno kana qayb qaadano amniga caasimada.

    su,aashu waxeey tahay yaa dani ugu jirtaa in amni la helo ma dowlada kaliya mase shacabka ayaaba dowlada uga baahi badan in amaan la helo?

    waxeykaloo dowladu sheegtay in shir aad u weyn owka dhici doono caasimada dhowr iyo labaatan sano oo burbur ah ka dib,taasina ma ahan maslaxo dowlada u qaas ah waayo in soomaaliyo lagu qabto shir nuucaan oo kale ah waxeey kor u qaadeysaa sumcada wadankeena muddada rubuc qarniga ah ku jiray magacxumada ( wadanki baahnaa, burcadbadeed,argagaxiso,iyo intii xumba xaawaa leh oo soomaali magac looga dhigay)
    waxaan wada ogsoonahay in dowladeenu ay dadaal adag ku bixisay si loo soo celiyo sumcadii wadankeena,mana ahan arrin sahlan in caasimadeena lagu qabto shir madaxeed iyo in ay madaxda wadamo ugu sareeyo isku soo aaminaan wadankeena.

    hadaba waa in aan dadaalka dowladu noqon hal bacaad lagu lisay oo loo wada istaago hirgelinta shirkaas iyo marti gelinta madaxdaas,

    waxaan maalmahaan arkeynay nimanka isku sheegay ineey musharaxiin yihiin oo ku qaylinaayo in shacabka ay u daneynayaan kana xunyihiin dariiqyada la xiray, iyagoo rabo ineey dareenka shacabka
    ka leexiyaan dowlad la shaqeynta iyo ineey caasimada ka abuuraan qalalaaso iyo amaan la,aan.
    waxaan leeyahay shacabka reer muqdisho nabada aad maanta haysatiin waxaad usoo hurteen maal iyo naf waxaana waajib idinku ah inaad ilaashatiin tacabkiini aad isla soo dhisteen idinka iyo dowladiina.
    waana in aad iska ilaalisiin nimanka ow horkacaayo cabdiweli shiikh oo ah nin gacmaha ku sito qori dab ah oo meeshoow yimaadaba holacka shido,taasna waxeeyku cadeed sidoow halis u geliyay dowladii oo dhan markoow ahaay ra,iisulwasaaraha oo xitaa lagu sigtay in baarlabaanki burburo wadankeenina qatar u galay fashilkii ow gacmaha la galay waqtigiisi.
    hadaba waa in dowlada iyo shacabkoo isku xirani fashiliyaan qorshaha nimankaan isku sheegay musharixiin aniguse aan u arko mucaarad iyo daneystayaal waayoo musharax waxaa u furan inoow si sharafleh doorasho u galo laakiin aflagaado iyo ineey amaanka caasimada halis geliyaan waa cadaawo iyo mucaaradnimo.

    ra,iisulwasaaraheena sharma arke iyo wasiiradiisu waxeey qabteen howl muuqato.
    gudoomiyaha g-banaadir iyo booliska muqdisho aad ayeey amniga wax uga qabteen.
    shacabka muqdisho waxeey waligood ahaayeen garabka dowlada.

    hadaba nin aan noo furi doonin yowsan noo rarin,nimanka meelaha ku shiraayo arrinkoodu waa wixii la tabcay halaga dhigo hal bucaad lagu lisay.
    oo macnaheedu yahay ,hadaan fashilmay yaanan arag waxqabad ninkale.

    soomaaliyo ha guuleysato,caasimadeenu ha guuleysato. inta wadankeena daacada u ah illaaheey talada hanoogu dhiibo,intii shar wadana umadda allaha indhaha usaaro allahana naga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here