Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka, booqdayna xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta “Dhageyso+Sawirro”

1
5205

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV.

Madaxweynaha ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, ammaanka, horumarka iyo doorashooyinka ka dhicidoona dalka sanadkan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo dhageystayaasha barnaamijku soo weydiiyeen.

Wuxuu kula dar daarmay madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed iney taageeraan dowladda, islamarkaana u soo jeestaan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhinac kale booqday qeybta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta xilligaasoo uu tababar u socday qaar ka mid ah wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka.

IMG_3775 IMG_3799 IMG_3805 IMG_3811 IMG_3812 IMG_3814 IMG_3815 IMG_3816 IMG_3819 IMG_3829 IMG_3833 IMG_3837 IMG_3838 IMG_3845

IMG_3825

Sawir qaade Maxamed Cabdullaahi “Feereeysane”

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. MADAXWEEYNE MAQAAMKA MUQDISHO MAXAA MUGDI GELIYAY?

    MADAXWEYNE MAXAA KA DHIGAY AFARTII SANOOD WADANKA HOGAAMINEEYSAY INAAD TUULADA UGU YAR WADANKA MAAMUL U SAMEEYSAY MUQDISHANA MIISKA HOOSTIISA DHIGTAY?

    MIYAANEEY REER MUQDISHO MUWAADINIIN AHEEYN?
    MASE WAXKALOO QARSOON AYAA JIROONA OGEEYN???????????

    MADAXWEEYNE GUUXA SHACABKEENA QAASATAN REER MUQDISHO WAXOOW LEEYAHAY MU,AAMARADAAN WAXAA KA DAMBEEYO MAAMULADA WADANKA QAARKA MID AH,BEESHA CAALAMKA,LABADA WADAN EE JAARKA AH QAASATAN ITOOBIYO.

    MADAXWEEYNE TAARIIKHDU DULMI MA TAQAANO WAXEEYNA QABTAA LABO BAAL OO MIDNA MADOOW YAHAY MIDNA CAD YAHAY.

    MADAXWEEYNE MAXEEY TAHAY DOORASHADA DHACEEYSO IYADOO REER MUQDISHO AANEEY HAYSAN WAX QADAR AH IYO XUQUUQ TOONA?

    MADAXWEEYNE MAAMULADA LA DHISAY IYAGAA TALADOODA IYO MAAMULSAMEEYNDOODA MAAMUSHAY IYADOON MAAMUL GOBOLEED KALE SOO FARA GELIN MARKA MAXAA ADIGOO MADAXWEYNIHII WADANKA AH UGU DHAWAAQDAY CABASHADA REER MUQDISHO IYO MAQAAMKAEEDABA WAXAA LAGALA TASHANAA MAAMUL GOBOLEEDYADA?

    MIYAANAD OGEEYN IN REER MUQDISHO AWOODAAN INEEY SAMEEYAAN CISYAAN IYO MUCAARADNIMO LAAKIIN AY TAASKA DOORTEEN INEEY CABASHO KU MIIJIYAAN XAQOODA LADOORSIIYAY,IYAGOO AAMINSAN IN MUQDISHO TAHAY MEESHII DOWLADU DAGANEED AYNA SHARAFKOODA KA DHOWREEN INEEY SABAB U NOQDAAN BURBURKA DOWLADNIMO?
    LAAKIIN SOOMAALIDU WAXEEY TIRAAHDAA QALADKII LIXDAN JIRKA XISHOON WAAYO LABAATAN JIRKAMA XISHOODO,TAAS WAXEEYKA DHIGANTAHAY HADII DOWLADU KA XISHOON WEYDO AYNA XAQA REERMUQDISHO DIIDO WAXAA SIDA QORAXSOO BAXDAY NOQODOONTO IN SEDDEXDA MALYAN OO REER MUQDISHO AH AY XIRI DOONAAN DARIIQYADA MUQDISHOO DHAN. AANEYNA JIRI DOONIN KALA DAMBEEYN.

    MARKA SU,AASHA MADAXA DAALINEEYSO WAA YAA LOOGU MADAXWEYNAYNAA BAHDILIDA REER MUQDISHO YAYSA DANI UGU JIRTAA IN MUQDISHO IYO INTA DEGEN SIDAAS LOOLA DHAQMO?

    WAXEEY ILA TAHAY IN FIKRADAANI AANEEY KA SOO FULIN QOFSOOMAALI AH OO QABO DAMIIR WADANINIMO WAAYOO HADII MUQDISHO LA DULMIYO WAXAA DHICI DOONTO IN DOONTA WADANKA SIDAAHI BADA KU SHIIDI DOONTO WADANKUNA GELI DOONO MUSTAQBAL MADOOW OO AAN LA AQOON HALKOOW KU DAMBEEYNDOONO XAALKA SOOMAALIYO OO DHAN.

    BAAQ.

    baaqa ugu horeeyo oo kooban madaxweyne waqtigaada waxaaka haray inyar sidaas darteed waa inaad taariikhdaada ilaashato oo aad xaqa reer muqdisho meelku ogaato kana badbaadiso wadankaan inoow dib ugu noqdo halkoowka yimid,taasina ma aha wax culus oo dastuurka fadraaliga ah ayoowku qoranyahay oo ah in gobolkastoo soomaaliyo ka mid ah oow yeesho maamul u qaas ah.

    gudoomiyaha gobolka banaadir waajibka ku saaran waa inaad kasoo dhalaasho waajibkaada waana in laga baxo qawda maqashii waxna hoow qaban,waayo waa waxlala yaabo in aad arkeeysay iyadoo madasha xamarku shirtay ay xamarku gaareen in aan reer muqdisho xaqlaheeyn aadna aamusneed markaas maxeey tahay markii go,aan la gaaray oo reer muqdisho la xaqtiray ka bacdi mudaharaadka aad hogaamiyaso ? maxaadan u hadlin intii aan go,aanka la gaarin?

    maantaad wax qabankartaa ee gaabinti dhacday sax oo meelku ogoow xaqa reer muqdisho waanad awoodaa taas oo waa xaq cad ayna ku garab yaagan yihiin seddex malyan oo qof oo ayka midyihiin madax, haween,culumaa udiin,,dhalinyaro odayaal oo u taagan ineey xaqoodi helaan. marka u xixxiro har iyo habeen illaa lahelo xaqii reer muqdisho iyo in muqdisho la midnoqoto sida maamul goboleedyada la sameeyay.

    reer muqdisho waxaan leeyahay xaqaada lama baryo laysunama hibeeyo marka waa inaadan sugina waqti doorasho eed mustaqbalkiina meel ku ogaataan,waxaana shaki ku jirin hadaad sidaas yeeshaan ineey soo bixi doonaan intii ka dambeeysay bahdilaada lagu haayo reer muqdisho.
    xaqu waa xaq qofna lagama baryo waanad aragteen in soomaaliyo maanta u guurtay maamul goboleedyo marka reer muqdishoow amarku gacantiinoowku jiraa ee fadhiga ka kaca hadaad is dayacdaana cidna ha eedina beri.

    MUQDISHOOY MAGACAA HAJIRO

    MUQDISHOOY MAQAAMKAADA MOWLAA KU SIIYAY(HOOYADII WADANKA)INTII INKIRSAN CAASI DHEH.

    MUQDISHOOY MACBUUDKEEY HAKU XIFDIYO

    MUQDISHOOY WALIGAA AHOOW MEESHA LAGU SOO HIRTO.
    MUQDISHOOY CADAWGAA HAJABO,CADAWGAADU WAA GUMEEYSTAHA IYO INTA NECEB SOOMAALI XOOGGAN IYO CAASIMAD SHARAFLEH DADKEEDUNA SHARFAN YAHAY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here