Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Midowga Yurub

1046

Munaasabadan oo maanta lagu qabtay xarunta midowga Yurub ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qaar kamid ah diplomaasiyiinta aduunka u jooga dalkeena iyo xubno katirsan bulshada rayidka ah waxaana loogu dabal degayay maalinta midowga Yurub oo ku beegan maanta oo kale.

Safiirka midowga yurub u jooga Soomaliya Michael Cervone oo khudbad ka jeediaya ayaa sheegay Soomaaliya uu isbedel ka muuqdo xiligan horayna ay u socoto  loona baahanyahay in lasii wado tageerada uu midowga yurub siiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbada uu ugu talogalay xafladan waxa uu uga hadlay  mashaariicda ay reer yurub ka hirgelinayaan dalka iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa dowladda oo sababtay in heshiiskii hiigsiga cusub ee New Deal oo xambaarsanaa horumaro kala duwan uu wadankeena lala galo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in horumarka ay Soomaaliya gaartay ay suurtagelisay in dalku ay diblomaasiyiin badan ay joogaan ka dib markii uu soo hagaagay amaanka dalka.

Dhinaca madaxweynaha Soomaaliya ayaa sixiixay heshiis ku aadan sii wadida howlaha ay midowga Yurub ka hayaan Soomaaliya gaar ahaan tababarka ciidamada Militiriga Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here