Madaxweynaha oo Munaasabadda 15 May awgeed socod ku marey waddooyinka Muqdisho-Sawirro

5715

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Munaasabaddaasi awgeed ayaa Madaxweynaha oo ay wehliyaan kumanaan qof waxaa uu socod ku marey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigey taalada SYL.

Socodka uu ku marey waddooyinka kadib, Madaxweynaha waxaa uu shacabka magaalada Muqdisho kula hadley fagaaraha Daljirka Daahsoon.

‘’Fariinta aan maanta idin wado waxay tahay in dhalinyarada ay waddankooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo. Dadaalka aad hadda waddaan waa inaad sii labanlaabtaan. Dhalinyaradii sameysey SYL 72 sanno ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u hurey in Soomaaliya ay xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa darted waxaan idin kula dardaarmayaa idinkoo taas ka shidaal qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan talaabo waddankan lagu hormarinayo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa munaasabadda maanta ee 15 May, ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole, saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada, mas’uuliyiin kale iyo ururrada bulshada.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. aad ayeey u farxeen umadda soomaaliyeed meel walba ay joogaan nabada lagu mushaaxaayo magaalada mogadishu iyo soomaaliya oo dhan, soomaaliyeey dagaal waad soo marteen ee horumarka ku dadaala beerahana fasha baahi waad ka baxaysiin . kuwa carabta beenta usheegtay oo tiri walaalkaa dil janno ayaad galeysaan , war soomaaliyeey ka tashta carab way nacebyihii dadka madow,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here