Madaxweynaha oo xilka ka qaadey Taliyihii NISA, magacaabeyna taliye cusub oo KMG ah

2
7017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. waxaa la yiraahdaa gurigaadu hadoow yahay dhalo dhagax lama tuuro.

    balka warama hadaad adigu gurigaada oo dhalo ah dhagax ku tuuryeeyso?

    wadankasto waxoow leeyahay shaqsiyaad mas,uulka ah sirdoonkooda oo marka hore oo la magacaabaayo aad loo soo xulo,waayoo hay,ada sirdoonku waa sirtii iyo amnigii wadanka oo ka dhiganto wadnaha halkoow jirka bani,aadmiga uga yaal.

    wadankeenu waxoow soo maray dhowr goor oo la casilay mas,uulka sare ee hay,adda sirdoonka,waxaase aad loogu riyaaqay markii ow jagadaan qabtay mudane tuuryare oo ah wiil dhalinyaro ah lehna
    sifooyin aad u wanaagsan oo ka dhigtay in inbadan oo shacabkeena ahi ay ku farxaan markoow jagadaan qabtay.

    tuuryare waa wiil dhalinyaro ah hadana aqoon yahan ah.

    waa shaqsi wadani ah wadankiisana jecel taasina waxeey ku cadahay taariiq nolaleedkiisa oo qofkii rabaahi owka aqrinkaro markoow fiiriyo siirada tuuryare.
    tuuryare waxoow ahaay markoow wadanka masar waxku baranaayay mid u olololeeyo in dhalinta wadanka dibadiisa waxku baratay ku noqdaan wadankeena si ay wadankoodi iyo shacabkoodi wax ugu qabtaan,taasna isagaa tusaale u noqday oo waxoowku soo noqday wadankiisi una istaagay ka qayb qaadashada dhismaha iyo amniga wadanka.

    tuuryare waa nin geesi ah oonka cabsan khataraha soo wajaha waayoo waxoow dhowr goor si isdaba joog ah u qabtay jagooyin ay ka cabsadaan rag isaga ka cimri weyn sida
    maxkamada ciidamada
    iyo masuulka sare ee sirdoonka,waana labo meelood oo naftiisa ku aheed khatar laakiin waxoow garowsaday in si loo helo wadan aamin ah ay waajib tahay in la huro naf oo ah waxa ugu qaalisan oo qofku u huro wadankiisa dadkiisa iyo diintiisaba.

    tuuryare waxoow ahaay nin howlkar ah oon har iyo habeen seexan howshana uga jiray meesha ugu horeeyso,taasna isheena ayaa macalin aheed oo marabto daliil.

    tuuryare waxoow ciidankiisa ku talaalay wadaninimada oow isagu u dhashay oo ciidankiisu muujiyeen geesinimo iyo waxqabad aad u weyn oo ay waajib tahay in laga abaal sheegto waayoo ummad aan qofkeeda waxqabtay dhiirigelin kuna shugrini horuumar iyo kala dambeyn ma gaarto waayoo hadii qofkii waxqabtay layska iloobo isna waxeey u tahay niyad jab jiilka ku xigaahina u bareerimaayaan ineey wadankooda wax u qabtaan.

    waxaan dhowr goor aragnay shaqsiyaad madax ah
    oo eedeyn usoo jeediyo tuuryare iyagoo leh waxoowku fashilmay howshii loo dhiibay shaqsiyaadkaas waxaa hormuud u ahaay xildhibaano,
    xildhibaanadaasi waxeey harsanayeen dadaalka tuuryare oow har iyo habeen usoo jeeday iyagoo hoteeladooda jooga,

    tuuryare ma yareeysan wax dadaal ah waxeeyna ciidamadiisu fashiliyeen boqolaal weerar ama qaraxyo oo lala maaganaa in lagu xasuuqo in badan oo dowlada iyo shacabkaba ka mid ah.

    waxlala yaabo maahan in wadankeena ay marmarka dhacaan qaraxyo
    iyo dilal qorsheysan,waayoo maanta washingtown, baariis, london,iyo baarliin ayeey ka dhacayaan qaraxyo waaweeyn oo ay ku dhinteen boqolaal dad ah.

    shir looga hadlaayay amaanka muqdisho iyo wadanka ayaa waxaa joogay dhowr taliyayaal oo ciidamada noocyadooda kala duwan ah,
    taliyayaashaas oo kuligood ka wada weynaa tuuryare waxeey isku raaceen in tuuryare yahay qof mudan in la dhiiri geliyo waxeeykaloo yiraahdeen in meeshiisa loo daayo,
    hadalki ugu muhiimsanaa oo halkaas laga sheegayna waxoow ahaay
    hay,ada sirdoonku waa sirtii wadanka ee halaga ilaaliyo isbedelada faraha badan mar hadii maanta la helay halyeygaan u taagan inoow
    naftiisa u huro si ow wadankiisa amnigiisa wax uga bedelo.

    madaxweynaha ummadda soomaaliyeed hadoow tuuryare bedelay waxaanka sugeynaa nin ka waxqabad badan.

    waxaa kaloo waajib ah in tuuryare lagu abaal mariyo howshii xoogga badneed ee ow qabtay intoow jagadaas haayay,waxaakaloo waajib ah in aan la dayicin khibrada tuuryare oo laga faa,iideysto si wadanku horuugu socdo

    tuuryare waxaan leeyahay ha u niyad jabin isbedelada dhacay horena u soco,wadanka adigaa leh cadawga umaddaaduna ma ogolo inoow arko nin umaddiisa iyo wadankiisa u taagan ee halgankaada halkiisa ka sii wad.
    hadaad noolaato waxaad noolaan adigoo magac iyo sharaf ku leh wadankaada hadaad dhimatana taariikhda ayaa baal dahab ah kuugu qori doonto.
    tuuryare qabiil lama wadaago qaraabana igalama dhaxeeyso laakiin waxaan ahay hooyo soomaaliyeed oo jecel qofkastoo wadani ah oo wadankeyga iyo ummadeyda wax u qabto.

    tuuryare magacaa hajiro illaaheyna haku xifdiyo dhalinteenana haka soo saaro kuwo adigoo kale ah iyo kuwo kaa sii fiican inshaa allaah.

    yaa rabbi wadankeena ka dhig mid amni iyo amaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here