Madaxweynaha Pakistaan Waxa ka socda Falastiin waa xadgudub iyo arxan darro

Madaxweynaha Pakistaan Caarif Calawi ayaa ku tilmaamay waxa socda Falastiin xadgudub iyo arxan darro ay sameyneyso Israa’iil.

Madaxweynaha Pakistaan ayaa sheegay in israa’iil fasuuq ku heyso shacab doonaya inay ku noolaadaan dhulkooda.

“Waxa ka socda Falastiin ma ahan dagaal u dhaxeeya laba dhinac oo iska soo horjeeda ee waa xadgudub ka socda hal dhinac, ayuu yiri madaweyane Caarif Calawi”.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dhulka Falastiin la xoreyn doono.

Tan iyo Isniintii hore , waxay Israa’iil duqeyn ku dishay 181 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 52 carruur  iyo 31 haween ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here