Madaxweynaha  Puntland oo booqday dekada Boosaaso-Sawirro

0
2283

Madaxweynaha Dawladda  goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekeda magaalada Boosaaso, xarumaha Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasaarada kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland , Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka Badda iyo sidoo kale xarunta Nek fish.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa booqday xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland waxaana halkaasi uu kalamo kala duwan kula qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo dhammaan howlwadeenada wasaaradaasi oo ku guda jiray gudahashada waajibaadka shaqo ee saaran, waxaana uu indha indheeyey qeybaha kala duwan ee ay wasaaradu ku shaqayso.

Sidookale waxaa uu booqday Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradaas , kullan uu kaga xog waraysanayey howlaha muhiimka ah ee shacabka u hayaan ayuu la qaatay, waxaana uu ku amaanay dadaalka ay wadaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradaas.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas waxaa uu sidoo kale kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland , isagoona la kulmay Wasiirka wasaaradaas iyo dhammaan shaqaalaha , waxaana uu ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqada adag ee ay hayaan.

IMG_5014 IMG_5026 IMG_5034 IMG_5046 IMG_5047 IMG_5048 IMG_5049 IMG_5056 IMG_5072 IMG_5077 IMG_5082 IMG_5083 IMG_5090 IMG_5099 IMG_5110 IMG_5119 IMG_5127

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here