Madaxweynaha Puntland oo booqday xarunta Qaramada Midoobay ee Garoowe -Sawirro

1868

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa xafiiska hay’adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howlwadeenada hay’adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay’addaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan madaxda iyo howlwadeenada hay’addaasi u sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaankooda , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ay ku hayso weererkaii argagaxisnimo ee ka dhacay Garoowe.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland , iyadoona balan qaaday inay sii laba jibaarayaan howlahaasi, wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin falkii foosha xumaa ee shaqaalahoodu lagu beegsaday .

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi iyo sidookale  howlwadeenada hay’addaasi si lamid ah ayuuna ugu cadeeyey in adkeynta amaankoodu dawladdu xil gaar ah iska saarayso.

Wakiilka hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimi , waxaana uu balan qaaday in shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Puntland sii wadi doonaan islamar’ahaantaana loo hakanayn fal argagixisnimo.

IMG_7682 IMG_7687 IMG_7689 IMG_7690 IMG_7691 IMG_7697 IMG_7699 IMG_7705 IMG_7706 IMG_7710 IMG_7731 IMG_7737 IMG_7740 IMG_7752 IMG_7768 IMG_7775 IMG_7782 IMG_7784 IMG_7785 IMG_7791 IMG_7792 IMG_7793 IMG_7796 IMG_7800 IMG_7802 IMG_7813 IMG_7816

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here