Madaxweynaha Puntland oo Garoowe dib ugu soo laabtay”sawiro”

3272

Madaxweynaha maamulk Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo 21-1-2015 safar shaqo ugu ambabaxay magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xldhibaano, Saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweynta Madaxweynaha maamulka Puntland ka qeyb qaatay haween iyo dhalinyaro ku labisanaa dhar laga tolay calanka Puntland kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan.

Dhinaca kale safarka shaqo ee madaxweyne Gaas uu ku tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ugu kuur galayey mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka barri,waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu la kulmay maamulka gobolka,kan degmada iyo saraakiisha ciidanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sigaara waxaa uu kulamo ula qaatay saraakiisha Ciidamada daraawiishta Puntland ee jiida hore ee difaaca, kuwaas oo uga xog-waramay Madaxweynaha xaalada guud ee ciidamada jiida hore oo dagaalo ba’an ku burburiyey kooxada Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaysay Buuralaydaas Calmadow.

Madaxweyne Gaas waxaa ayaa xariga ka jaray warshad cusub oo loogu talagalay in ay ka qeyb qaadato dhimaha dhabada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso si ay u fududaato howsha laga wado garoonka
IMG_2181

IMG_2201

IMG_2207

IMG_2210

IMG_2215

IMG_2219

IMG_2220

IMG_2221

IMG_2223

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here