Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Garoonka, howshiisa gacanta ku hayaan waxa uuna boggaadiyay sida wanaagsan ee habsamadi leh oo ay u socoto shaqada garoonka ee joogtada ah iyo tan qorshaha horumarinta Garoonka.