Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR u soo magacowday Soomaaliya Magatte Guisse iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo is xogwaraysi ayaa looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta  Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland.