Madaxweynaha Puntland oo la kulmay mas’uuliyiin QM ka tirsan-Sawirro

2833

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Garowe, kuwaas oo dawladda kala shaqeeya arrimaha aadanaha iyo mashaariicaha horumarineed.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay  iyo waxa weli qabyada ka ah mashaariicaha sannadkaan 2016-ka ay hay’adaha qaramada midoobey ka fuliyeen Puntland  iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen mashaariicahaasi.

Kulanka sidoo kale, waxaa lagu lafo guray dhaqaalaha ay deeq bixiyayaashu ugu deeqaan Puntland isla markaana lasoo marsiiyo hay’adaha Qaramada Midoobey sidii ay  dawladdu si dhow ugula socon lahayd dhaqaalahaasi in uu gaarey meelihii loogu talo galay si dalka looga hirgeliyo adeegyo waxtar u leh bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku war-gelisey hay’adaha Qaramada midoobey in ay dawladda u soo gudbiyaan shaqaalaha ka shaqeeya dhammaan xafiisyada hay’ahaasi oo aanay ku jirin kuwa caalamiga ah si ay u bixiyaan cashuuraha  ku waajibey.

Ugu dambayn Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa hay’adaha Qaramada Midoobey ku boorriyey in ay  marwalba mudnaanta koowaad  siiyaan deegaanada ka baxsan laamiga iyo dadka reer guuraaga ah isla markaana ay si siman ugu adeegaan shacabka Puntland.

IMG_3479 IMG_3481 IMG_3484 IMG_3486

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. pontland waa cadawga horumarka ummada soomaaliyeed horeyna waxay u sheegteen in ay tigre iyo amxaaro ay walaalo yihiin ha laga ilaaliyo dadka ka soojeeda pontlan in ay doorasho madaxweyne isku soo sharaxaan , waa cadaw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here