Madaxweynaha Puntland oo qeybgalay kulan lagu soo bandhigay mashaariicda horumarineed ee Puntland”SAWIRRO”

1254

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoolka jaamacadda PSU ee Garoowe kaga qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fuliyeen sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan guud ahaan Puntland iyo deegaanada kale.

Barnaamijka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP iyo mas’uuliyiin kale oo madasha u yimi sidii ay wax badan uga ogaan lahaayen waxqabadka hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa soo bandhigtay qorshayaasheeda horumarineed ee ay sanadkii hore ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Puntland, waxaana su’aalo dhowr ah ka weydiiyey soo bandhigid kadib Wasiiradii iyo mas’uuliyiinti kale ee ka qeyb-galay kullanka.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muhiimadda uu barnaamijku leeyahay ku tilmaamay inay tahay inaan shacabka reer Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.

” Sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya dadkoodu ay soo bixiyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay  in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha  waxa anagu aanu rabno iyo waxa ay siyaasadda dawladu ay tahay in wax lagu sameeyo, dhaqaalaha labixinayana cidna magan ugama tihiin waa dhaqalihii dalka loogu talagalay ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’addaha maamulka Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga , maadama uu Madaxweynuhu ku amray madaxda hay’addaha inay laamiga ka dagaan oo adeegyadooda si siman gobolada Puntland u gaarsiiyaan.

La xisaabtanka Dawladda ee hay’adda UNDP waxay ku timid balan qaadkii Madaxweyne Gaas ee ahaa in uu la xisaabtan dhab ah la yeelanayo dhammaan hay’addaha Dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, waxaana halkaas ka cad in uu fulay balan qaadkaas.

IMG_6705 IMG_6721 IMG_6746 IMG_6758 IMG_6766 IMG_6768 IMG_6769 IMG_6770 IMG_6771 IMG_6772 IMG_6793 IMG_6801 IMG_6803 IMG_6807 IMG_6810 IMG_6812 IMG_6823 IMG_6845 IMG_6851 IMG_6853 IMG_6855 IMG_6866 IMG_6870 IMG_6876 IMG_6879 IMG_6883 IMG_6898 IMG_6906 IMG_6923 IMG_6926 IMG_6939

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here