Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciidul Fitriga la tukaday shacabka casimadda Garoowe “SAWIRRO”

0
1122

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii  15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha Putland kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo,  cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Puntland.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

–DHAMMAAD–.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here