Madaxweynaha Puntland  oo si weyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso -Sawirro

2124

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta  gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ka dib markii uu saaka ka soo kictamay magaalada Qardho.

Magaalooyinka u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo Qardho ayaa waxaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan, kuwaasi oo ruxayey caleemo qoyan iyo calamada Puntland iyo kan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ayaa madaxweynaha waxaa si kal iyo laab ah iyana ugu soo dhaweeyey Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil ciidan, waxgarad, maamulka gobolka Barri, maamulka degmada Boosaaso, aqoonyahan, dhalinayro , haween iyo dadweyne kale.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa loo soo galbiyey aqalka Madaxtooyada  Puntland ee Boosaaso , waxaana uu halkaasi ku la hadlay warbaahinta isagoona faah faahin dheerad ah kabiyey safarka shaqo ee uu ku kala bixinayo qeybo kamid ah gobolka Barri .

” Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa shacbiga reer Boosaaso sida muga weyn ee wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyen maanta , aad baan ugu mahadnaqaya madax iyo shacab, socdaalkayguna waxaa uu la xiriira sidii aan xog waraysi ula yeelan lahayn shacbiga reer Puntland meelkasta oo ay joogaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Puntland ayuu tilmaamay in ay ku filantahay sugida amnigeeda aysana jirin baahi weyn oo hada loo qabo cidkale, shacbiga reer Puntland ayuuna ku amaanay dadaalka ay u sameeyen qaxootiga ka soo cararay dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Madaxweyne Gaas  ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso kormeeri doona Mashariicda horumarineed ee ka socda Boosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha Puntland, sanadba sanadka ka dambeeyana waxaa ay ku talaabsanaysaa horumar balaaran.

IMG_3547 IMG_3556 IMG_3566 IMG_3570 IMG_3584 IMG_3588  IMG_3761 IMG_3775  IMG_3792 IMG_3805 IMG_3818 IMG_3825 IMG_3833 IMG_3836 IMG_3839 IMG_3865 IMG_3873 IMG_3889 IMG_3896 IMG_3917 IMG_3933 IMG_3938 IMG_3958

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here