Madaxweynaha: Soomaaliya horumar ayay ka gaartay la dagaallanka argagixisada

0
764

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caalamka uu hadda wajahayo dagaal ka dhan ah argagixisada iyo xagjirnimada,Sdagaalkaas socdana soomaaliya ay qeyb weyn ka tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanado badan dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda, ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa gobollo badan ka saaray kooxdan oo ay ka barbar dagaallamayeen dad ajaanib ah.

Madaxweynaha Dalka ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka aragixisada dagaalka weyn la galay “Cdaalamka hada waxaa uu wajahayaa dagaal gaar ah oo ku aaddan xagjirnimada, mayal-adaginimada iyo argagixisada, waxaana jira meel badan oo caalamka ka mid ah oo uu dagaalkaasi uu hadda ka socdo,  waxaana dhihi karaa Soomaaliya in ay ka mid tahay wadamaasi  guulaha ka gaaray dagaalkaas ka dhanka ah intaas aan soo sheegay’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalkan ayuu madaxweynahu  uu ka jeediyay munaasabada xuska sanad guuradii 52aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay shalay magaalada Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here