Madaxweynaha: ”Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan”

1741

Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Carwada Caalamiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhacaysa magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso colaaddi sokeeye, lana sameeyay horumar dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina ay suuragelineyso in shirakadaha kala duwan ee caalamka ay maalgashan karaan Soomaaliya.

‘’Soomaaliya waxay leedahay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaan leenahay dhul beereed, kheyraadka badda, xoolaha nool iyo weliba kheyraadka shidaalka iyo macdanta. Sidaa darted waxaan 148 dowladood ee ka qeybgalaya carwadan, gaar ahaan Talyaaniga u sheegayaa in waddankeena uu diyaar u yahay ganacsi iyo maalgashi. Dhanka kheyraadka beeraha, waxaan aaminsanahay in haddii si wanaagsan loo maalgashado ay Soomaaliya gacan ka geysan karto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dunida. ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sameynta sharciyada maalgashiga, isla markaana sharciyadaasi noqon doonaan kuwa ugu fiican qaaradda Afrika ee soo jiita shirkadaha maalgashiga caalamka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah uga hadley xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo ka mahadceliyay doorka Talyaanigu ka qaadanayo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dhanka xasaradda dadka u soo haajiraya waddamada Yurub, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xal wadajir ah ay la yimaadaan dalalka caalamka.

‘’Arinta muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka imanaya Afrika, waxaa loo baahan yahay in waddamada Yurub ay Afrika gacan ku siiyaan abuurista fursado dhaqaale oo ku dhiirigelinaya dhalinyarada inay dalalkooda ka shaqeystaan halkii ay naftooda khatar u gelin lahaayeen, iyagoo fursado dhaqaale ka raadinaya waddamo ka fog dhulkooda’’.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga, Roberta Pinotti oo ka wakiil ahayd Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, ayaa iyana hadal ay ka jeedisey goobta waxay kaga hadashey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dalkeeda uu si buuxda qeyb uga yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

“Xoojinta xiriirka labada dal muhimad gaar ah ayay inoo leedahay. Mudane Madaxweyne dowladda Talyaaniga waxay soo dhoweyneysaa hoggaankaaga wanaagsan ee dib u soo kabashada Soomaaliya, siiba dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidaa darted waxaad xisaabta ku darsataa in Talyaanigu uu yahay saaxiib dhab ah oo aad leedahay oo kugu taageeraya hawlaha muhiimka ah ee aad hayso’’, ayay tiri Roberta Pinotti, Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Milano ka furey Madasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed, shirkadaha ganacsiga caalamka iyo dowlado. Waxaa uu Madaxweynaha hadal uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si wanaagsan u soo dhoweyso maalgashiga shirkadaha caalamka, isla markaana kuwa soo hormara la siin doono mudnaan gaar ah

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha isla magaalada Milano kulan kula qaatey Guddoomiyaha gobolka Lombardia , Roberto Maroni. Gobolka Lombardia oo ka mid ah gobollada dhanka warshadaha qaniga ku ah qaaradda Yurub, ayaa waxaa uu Madaxweynaha, madaxda gobolkan kala hadley sidii adeegyada iyo xirfadaha dhanka tiknoloojiyadda loogu taageeri lahaa gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Milano, waxaa uu Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqey inay dib dalka ugu noqdaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska waddankooda.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Rome, kulan kula yeesho Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. waa horumar aad u wanaagsan in ay soomaaliyo ka qayb gasho bandhigaan caalamiga ah waayo wadankeenu waxoow tartanka caalamka ka maqnaa mudo aan yareeyn iyadoo wadankeenu ka mid ahaa wadamadii caalamka ugu horeyn jiray berisamaadkii laakiin ay la hartay colaadii wadankeena ka dhacday.

    illaaheey ummaddaha aw abuuray waxoow kala dejiyay wadamo ow shacabkasto mid dhaxal u leeyahay, anaga illaaheey waxoow na siiyay wadan ey cid walbaahi ku riyooneyso inoow wadankooda noqdo. hadalkaan igama aha xayeeysiin laakiin ila arka wadamada caalamka.

    tusaale wadamada khaliijka.
    waa wadamo batrool haysto oo qani ah caalamkuna usoo shaqo tago laakiin dadka wadamadaas sideey u noolyihiin maxeeysa cunaan.
    waa wadamo aad u kulul noloshu waa dhib hadaanan mukayf la adeegsan lama soco karo sanadka badankiis hadaanan baabuur la wadan, waxeey cunaan cuntooyin wadamo kale laga keeno waayo wadamadooda wax soosaar badan malaha marka badroolka laga reebo, qaninimo kastooy qabaan waa dad aanan haysan cunto fareesh ah iyo hawo dabiici ah oo ay ku noolaadaan waxaa wadamadaas ku badan cuduro aad halis u ah oo taqaatiirtu sheegaan in laga qaaday cuntooyinka kiimikaysan ee dibadaha laga keenay waxaana ugu daran kansarka.
    wadamada reer galbeedka.
    waa wadamo aad u qaboow oo halka roobku nooga soo da,o iyaga baraf aan kala joogsi laheeyn u da,aayo dhib waxaa dhib ugu filan jismigooda oon qabin fitimiinka D oo ah fitimiin muhiim ah lagana helo qoraxda

  2. raali galin hadlka iga kala go,ay.
    caalamka aan joogno waxaa la yiraahdaa waxaa ugu xoolo badan reer khaliij iyo reer galbeedka loo haajiro laakiin waa qaninimo dhalanteed ah waayo dad qaarna jawigoodu yahay qorax ku gubayso oon xitaa la socokarin iyo kuwo dhagaxyo baraf ah maalin walbo korkooda ku socdaan ee sanadka dhan jaakeedyo ku taagan, waa nolol culeyskeeda leh.

    wadankeena qaaliga ah.
    illaaheey waxoow na siiyay xoolo inti la dhaqdo.
    dhul beerasho boqolkiiba boqol ah.
    badweynta hindiyo oo kaligeed nagu filan hadaan qayraadka ku jiro si saxa u soo saarano.
    badda cas oo ah meesha kaliya ee walaalaheena jabuuti ay ku tiirsanyihiin.
    wabiyada shabeele iyo jubba oo midkaligiis hadaan waxku qabsanlaheen nagu filnaanlahaa.waayo wadanka masar waxoow ku tiirsanyahay wabiga niil, masar waa dad tiradoodu gaareeyso sagaashan malyuun anaguna kama badnin seddex iyo toban malyuun.
    waxaan kaloo qabnaa wadan aan qaboow badan aheeyn kuleyl badana aheeyn oo markii kuleyl jiro geed hoostiis kuugu filantahay adoon mukeyf raadin .
    shacabkeenoow waxaa iga waano ah in aan horta miyirka isgalino qofkastoo naga mid ah isweydiiyo maxaa naga qaldan oon u fahmi la,nahay nimcada illaaheey na siiyay,maxaa naga dhigay qaxooti iyo baylah caalamka ku kala daadsan?maxoow yahay cadawga na soo weeraray ee wadankeeni naga saaray? qaarna ay wadanka dhaxdiisa ku yihiin barakacyaal. ee hay,ado qalaad dhulkeena keenaayaan wax loogu magacdaray kaalmo oo aanan aqoon in xitaa taariiqdoodu dhamaatay iyo inkale anagoo hoosteena khayraad iyo wabiyo jiifaan.
    waa naqaan cadawga soomaaliyeed , laakiin wali ma fahmin.waa (QABYAALAD)
    walaalayaal soomaali waa wiil iyo abtigiis ee aan maruun yeelano shir looga hadlo sidii loo dabargoyn lahaa cudurkaan labaatan iyo shanjirsaday ee baylaha iyo baaba,a noo horseeday.waa in la soo saaro qaanuun lagu dabar gooyo qabyaalada,waa in xitaa la gaarsiiyo cidii qabyaalad ku shaqeyso ciqaabta meesha ugu daran,,waayo qabyaaladu waa tii noo horseeday waxa nagu dhacay.
    markaan fahano cudurkaan dilaaga ah oo aan si wadajir ah u dabar goyno waa in aan usoo jeesano waxsoo saarka wadankeena, waayo hadaanan anagu ka faa,iideysan waxaa imaan doono shirkado shisheeye oo geli doono meeshaan baneeynay,waa ineeysan dhicin in shirkadaha shisheeye beertaan wadankeeni anagoo aan waxqabsan.
    waa in dadkeenu yeeshaan iskaashatooyin sida iskaashatooyinka kaluumeeysatada yeeshaana doonyo kaluumeeysi iyo suuqyo waaweeyn oo kaluunka lagu gado iyo wershado kaluunka si aan dibad iyo dalka intiisa kalaba ugu beec geyno.
    beeraha waa in si xoog leh loo beerto webiyada durduraayo waa in kanaalo la sameeyo waana in shacabkeenu cunaan wixi wadankeena nooga soo go,o waayo xag dhaqaale isagaa noo roon xag caafimaadna waxaa la yiri ummadkasto waxaa u caafimaad badan waxa wadankooda ka soo go,o. waana in suuqgeynta dibada lagu dadaalo wixii ka badan inta loo baahanyahay.
    xoolaha waa in si fiican loo dhaqdo waa in aan ka faa,iideeysano xoolaheena sida caalamku uga faa,iideysto xoolahooda waayo soomaalidu waxeey taqaanaa xoolaha hilibka,caanaha,iyo subugga kaliya laakiin waxaa jiro waxyaabo badan oo aanan aqaanin oo laga sameeyo xoolaha marka waa in aan yeelano qabiiro soomaaliyeed oo inta darsaan sida caalamku uga faa,iideysto xoolahooda ummaddeena baro cilmigaas.
    reergalbeedka ninka heysto shan neef oo xoolo ah waxaa loo yaqaanaa maal qabeen waayo aad ayeey ugu dadaalaan wax soosaarka xoolaha.
    shirkadaha caalamigaa hadeey yimaadaan anagoon waxqabsan shacabkeenu waxoow ku ekaan doonaa inoow wadankiisi shaqaale ugu noqdo nin shisheeye laakiin waa in aan anagu waxsoo saarano shirkaduhuna naga iibsadaan waxaan soo saarnay oo ay dibadaha u beec geeyaan.
    hadaba dadkeena illaaheey waxsiiyay waa ineey iyaguna ka faa,iideystaan shacabkoodana u faa,iideeyaan halkaas ayeyna ku dhamaan doontaa saboolnimo,qaxootinimo iyo tahriibka dhalinyaradeena badaha ku le,anaayo inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here