Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

1
1495

Munaasabadda Caleema saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba ee ka socotay Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow soo gaba gabowday, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Khudbad Ka jeediyay munaasabadaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta la caleema saaro Baarlamaanka Jubba, waxaana warbixin uu ka siiyay ka qeyb galayaasha munaasabadda horumaradii kale duwanaa ee Soomaaliya ay gaartay.

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay horumarka la gaaray in daliil ay u tahay wadadii dheereed iyo marxaladii aan soo marnay iyo halka maanta aan taaganahay oo uu tilmaamay in lagu sifeyn karo yadadiilo wanaagsan oo horseed u ah Xoojinta Dowladnimada.

“Waa in aan isku sabarnaa oo aan fiirino mustaqbalka umadda Soomaaliyeed islamarkaana aan ka fekerin waxa maanta aan rabno laakiin aan ka fekerno mustaqbalka Berito, waxaana u baahan wixii shalay in aan ka daawowno oo aan u sabarno maslaxadeyna maankana ku heynaa, beri maxaan u baahanhay xagee wax ka qaldameen sidee lagu sixi karaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbadiisu eheyd mid dheer ayaa waxa uu maamulka Jubba uu ugu baaqay in ay badiyaan tanasulka islamarkaana ay is dhageystaan kana soo baxaan go’aamo wax dhisaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in cabasho ay qabaan beelaha qaar ee daga gobolada ku abtirsada maamulka Jubba loona baahanyahay in mas’uuliyiinta maamulkaasi  ay xaliyaan cabashooyinkaasi islamarkaana ay qanciyaan dadkaasi maadaama mas’uul ay ka yihiin ayna ku biiriyaan xubnaha maamulka.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. hadaan nahay ummadda soomaaliyeed ee nabada jecel waxaan u sheegeynaa madaxweynaha soomaaliya ee xassan shiikh waa in doorasho laga sameeyaa gobolada jubooyinka sababtoo ah waa in ay xukumaan oo madaxweyne goboleed ay noqdaan dadka degaanka u badan oo xilka laga qaado jabhadan ka soo guurtay ithopia. oo uu hogaamiyo madoobe ,dadka daga waa inay xukumaan ,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here