Madaxweynaha Turkiga Oo Soo Booqanaya Muqdisho

5468

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in uu soo booqan doono Soomaaliya taas oo ah booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Erdogan uu dalkaasi dibaddiisa ku aado sanadkani cusub ee 2015-ka sida laga soo xigtay saraakiisha dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa kulan la yeelan doona Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud bishaan Janaayo iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Shaqaalaha gargaarka ah ee Turkiga iyo kuwa mutadawaciinta ah ayaa shaqooyin kale duwan ka haya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska Soomaaliya, Madaxweynuhu sidoo kale waxaa uu booqan doonaa 12 dalka oo Afrika ka tirsan oo ay ka mid yihiin Tanzania, Ethiopia, Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Erdogan booqashadii sanadkii 2011kii xilligaas oo uu ahaa Ra’isulwasaare ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya kolkaasi oo inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay Tukiga uu ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ay leedahay.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. A friko waa qaarad illaaheey ku maneeystay khayraad aan la soo koobi karin waxeeyse soo martay dhibaatooyin oow sababay gumeeysigii reer galbeedka ee manaxaanka ahaa kaas oo dhaxalsiiyay umaddaha qaarada fakhri iyo cuduro daba dheeraaday
    xitaa markii qaarada badankeed xoroowday reer galbeedki sidaas ugama tegin ee waxeey ka dhax abuureen dagaalo sokeeye ha ahaado mid wadanka dhaxdiisa ah iyo mid wadamada deriska ah ka dhax aloosan reer galbeedku waxeey hubka isugu dhiibaan dadka afrikaanka ah iyaguna waxeey boobaan khayraadka wadamada afrikaanka ah.

    wadankeenu waxoow ka mid ahaa wadamadi iska xoreeyay gumeeysigi waxoowna noqday kii wax ka xoreeyay wadamo badan oo afrikaan ah kana mid aheed ugaandho.
    shucuubta afrikaanku waxeey ka daaleen qayaanada iyo naxariisla,aanta reer galbeedka ee boqolaalka sano boobaayay khayraadkooda
    maantana waxaa soo baxay saaxiibo cusub oo afriko u dhashay oo aan aheeyn reer yurub iyo mareeykan.
    saaxiibadaasi waa kuwo aan gumeeysi iyo khayraad boob u imaan waana kuwo aaminsan in shucuubta afrikaanku ay shucuubaha kale la mid yihiin .
    saaxiibadaasi waa turkiyo iyo shiinaha, labadaan wadan waxeey yaqaanaan sida caalamka loola saaxiibo iyadoon wadanka iyo shacabkaba wax loo dhimeeyn,waxeey aaminsanyihiin ineey wadamadaan ka faa,iideeystaan iyagoo ayana wax u faa,iideeynaayo.
    waxeey yaqaanaan sida wadamada loo horumariyo mana aho kaligood cunayaal ee waxeey shuraako la galaan ganacsatada wadamada ay saaxiibka yihiin. tankale ma yaqaanaan fara gelida arrimaha wadamada ay saaxiibka yihiin. waxeey kaloo caan ku yihiin shucuubtoodu waa shacuub aad u shaqo jecel waxsoosaar badana leh .

    anagu hadaan nahay soomaali turkiyo waxeey noo leedahay qadarin qaas ah waxaana dhihi karaa waa walaal illaaheey noo soo diray
    waayo waxeey noo yimaadeen mar soomaaliyo ay qarka sii dhaceeysay caalamkoo dhamina iska kaaya indha tiray magaceenuna ahaa
    burcad badeed, dhiigyo cab i. w. m
    way noo soo gurmadeen dowlad iyo shacabba iyagoon noo kala harin waxaa noo yimid madaxdii wadnka ugu sareeysay iyo weliba xaasaskoodi taas ayaana ku tuseeysa meesha turkiyo naga joogto waayo wadan labaatan sano dagaal ka taagnaa oo soomaalidi ay hub isu haysato ayeey isku soo qaadeen iyagoon khatarta ka imaan karto ka fekerin taasina waxeey ku tusineeysaa turkidu ineey yihiin walaalo illaaheey dartiis ah.
    waxaa mararka qaar la maqlaa dad naga mid ah oo meelaha ka sheega in turkiyo u timid ineey wadankeena boobto waxaanse ku leeyahay ka waantooba afxumadaas, soomaali caruurtoodu xitaa hadalkaas ku qanci mayso.

    waxaan leeyahay shacabkeenu haka faa,iideeysto wadamada turkiyo iyo shiinaha oo ah dad wax tarleh wadamadoodina houmariyay diyaarna u ah ineey wadankeena nala horumariyaan. aan ka barano wadan jaceylka iyo wax qabsigaba.

    waxaan soo dhaweynaynaa urdugaan anagoo leh ku soo dhawaaw wadankaadi iyo walaalahaada ku jecel. illaaheyna hakuu siyaadiyo
    ciso iyo sharaf. waxaan kaloo illaaheey ka baryayaa in urdugaan illaaheey ka dhigo walaalkii madaxweynaheena garab istaago waayo madaxweynuhu waxoow u baahan yahay madaxweyne muslim ah oo daacad ah oo marxaladaan garab u noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here