MADAXWEYNAHA: Waa in taageerada Caalamku ay noqotaa mid dadkeena u abuureysa fursado shaqo iyo nolol’- SAWIRRO

1
2470

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu xoo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Hadal uu ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gabagabeynayay oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, haatanna loo baahan yahay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

“Barnaamijkan New Deal ama Cahdiga Cusub ee dib u dhiska Soomaaliya waa mid muhiim inoo ah. Arinta keliya ee wallaaca nagu haysa ee aan dooneyno inay beesha caalamka inala fahmaan ayaa ah in muhimad gaar ah la siiyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, farsamada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ee fursado shaqo iyo nolol u abuuraya Soomaalida’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan ah dhalinyaro ay dantu ku khasabtey inay noloshooda ku tiirsanaato qoriga, ha noqdeen kuwo dowladda u shaqeeya, kuwo fal dembiyeed faraha kula jira, kuwo argagixisada la shaqeeya iyo kuwo ka hawlgala meelo kale oo aan nolosha ku habboonayn, si taasi loo beddelo oo xirfado kala duwan ay u yeeshaanna loo baahan yahay in wax loo qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadalkiisa ku xusay heshiiskii dhowaan lagu gaarey Gaalkacyo ee lagu soo afjarey dagaalkii halkaa ku dhexmarey maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Nasiib darro ayay ahayd in mar kale shacabkeena dagaal sokeeye la geliyo, laakiin waxaa wax lagu farxo ah in Soomaalida oo dhan ay dirirtaasi ku baxdey, xal Soomaaliyeedna u helay colaaddaasi dadka walaalaha ah u dhexeysey. Waad aragtaan caawa inay inala fadhiyaan, magaalada Muqdishana iyagoo wada jira ay wada yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland’’.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa uu mar kale soo dhoweeyay dadaalka ganacsatada Soomaalida ee dhinaca maalgashiga dalka, tallaabadaas oo uu ku tilmaamey inay astaan wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka.

Xafladda casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Cali, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

IB0A2273 IB0A2258 IB0A2164 IB0A2341

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa arrin lagu farxo in aan ku guuleysanay in la damiyay colaadii ka dhacday magaalada gaalkacyo waana mahad illaaheey in maanta ay isgarab fadhiyaan mudanayaashii cabdiwali gaas iyo cabdikariim iyagoo soo afjaray colaadaas shaydaanku huriyay.
    illaaheey madaxdeena ha waafajiyo ineey iswalaashadaan si ay u gutaan waajibka ka saaran shacabkooda iyo wadankooda, hana ka badbaadiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan,shacabkana allaha ka dhigo kuwo madaxda ku garab galo howsha culus ee ay hayaan

    guul ayaan leenahay intii ka qaybqaadatay demintii colaadi ka dhacday gaalkacyo guul ayaan leenahay ra,iisulwasaaraha iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha oo u xirxirtay si arrintaas loo soo afjaro guul madaxda juboland iyo kiifur land dadaalkii walaalnimo ee ay muujiyeen guul nabad doonadii iyo culumaa,udiinkii meelkasto ka hadlay guul walaalaha reer waqooyi oo iyana muujiyay ineey walaalo aan na iloobin yihiin oo baaqooda ku biiriyay inta nabada dooneyso waxaana leeyahay walaalaha waqooyi maalinta ay soomaaliyi guusheedu dhamaystirmayso waa maalintaan hargeyso iyo koofur oo dhan ka wada ciidno inagoo markale leh soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada taasi waa rajada ay qabaan walaalahiina koofureed ee ogaada walaalayaal.
    guul shacabkeena qaaliga ah oo muujiyay meelkastooy joogaan in aaneey raali ku noqoneyn in markale la huriyo colaad ay shacab soomaaliyeed ku dhintaan iyo barakac toona.
    guul shacabka reer gaalkacyo oo markale helay neecaw nabadeed kuna soo noqday guryahoodi, illaaheyna qaxkale iyo colaad idunkuma soo celiyo han idinka dhigo kuwii soomaaliyoo dhami ay ku daydaan sidaad isu qadarisiin iyo dariswanaagiina.
    illaaheey wadankeenoo dhan haka badbaadiyo colaad iyo masiibo oo dhan hana ka dhigo shacab iyo dowlo isku duuban aamiin yaarabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here