Madaxweynaha: ”waxaa lagu dhawaaqi doonaa lataliyaha xafiiska madaxweynaha arimaha dadka baahida gaarka ah qaba”

1856

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in dowladda  Soomaaliya ay ka go’an tahay  daryeelka  iyo wax u qabashada  dadka Nafadda ah,dhowaana xafiiska madaxwaynaha uu qaadan doono  shakhsi naafo ah kaas oo kala talindoono madaxwaynaha Arrimaha dadka baah-hidda gaarka  qaba.

“Waxaa uu xafiiskaygu aad ugu shaqanayaa in qof katirsan dhalinyaradaasi baahida gaarka ah qabta oo lataliye madaxweynaha arimaha iyo duruufaha dadkaasi ayaa la baafiyay dad badan oo dhalinyaradaasi kamid ah ayaana soo dalbatay dhowaana waxaa lagu dhawaaqi doonaa lataliyaha xafiiska madaxweynaha dadka baahida gaarka ah qaba”  ayuu yiri madaxweyanah.

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku taalla dhisme school ah  kaasi oo gaar u ahaa in ay wax ku bartaan  dadka aragga la’ balse aysan ka faa’iidaysan  dadkaasi tan iyo markii ay meesha ka baxay dowladdii  kacaanka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya   ayaa ku amray  maamulka gobolka  Banaaadir   in sida  ugu dhaqsiyaha badan  ay ugu saaraan hadii ay jiraan   dad si gaar ah kaga faa’iidaystay arimo  gaar ah.

Dadka Naafadda ah ayaa isugu jira  dad da’ah  iyo dhalinyaro waxayna u baahan yihiin waxbarasho si ay u lehaan  wax uun ay ku mareeyaan noloshoodda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka  xukumadda Federaalka Soomaaliya  mudane  Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in  hay’adda fulinta dalka ay ka shaqayn doonto  horumarinta waxbarashada  dadka naafadda ah.

Dhalinyaradda naafadda ah ayaa  ah kuwa leh  hami weyn oo ah in ay noqdaan hogaamiyaasha  dalka.

Amaal Cabdulaahi Axmed waa gabar  da’yar  oo aragga la’ waxaana hamigeedu yahay in ay  dalka ka qabato  xil muhiim ah.

“Waxaa sidoo kalena codsanaya in lamudnaanta koowaad la siiyo  dadka naafada ah maxaa yeeley hadii la shaqaaleysiiyo dadka naafada ah niyadda ayaa u dhismeysa anigana waxaan jeclahay mustaqbalka in aan noqodo wasiirka arimaha dibadda” ayay tiri Amaal.

Dowladda  federaalka Soomaaliya   ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii  guud ahaan  dadka Soomaaliyeed oo  ay ka  mid  yihiin  kuwa  naafadda ah daryeel  iyo horumarin u gaarsiin laheyd, waxaana madaxwaynaha dhowr jeer uu  kulamo la qaatay  xubno ka tirsan dadka naafada ah.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here