Madaxweynaha dalka oo la kulmay Saraakiil Turkiga tababar u jooga-Sawirro

2
9625

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa uu kula kulmay saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar u jooga.

Saraakiishan oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga waxaa ay tababar la xiriira dhanka ciidanka ku qaadanaya halkaasi.

13220811_252044768485277_7641016236105479884_n 13221048_252044931818594_3034201197697170234_n (1) 13221048_252044931818594_3034201197697170234_n 13254234_252045075151913_2188261859649206545_n 13254293_252044721818615_5471728480015550664_n

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. waa arrin aad loogu farxo in dhalinyaradeeni ay maanta garteen in wadankeenu si cisadiisi iyo karaamadiisi usoo noqoto ay ku biiraan ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan,iyagoo waliba u istaagay ineey waxbartaan si ay uhogaamiyaan una dhisaan ciidan hanan karo amniga iyo amaanka wadankeena.

    waa alle mahadiis waana horumar la galiyay dadaal badan.
    mahada illaaheeyka dib,
    madaxweynaheena waxaan leeyahay mahadsanid sida aad markasto dadaal iyo dhiirigelinta ula garab taagantahay ciidamada.
    waxaa kaloo sharaf iyo in laga abaal sheegto mudan walaalaha turkiyo
    oon noola kala harin hiil iyo garab,waxaana leenahay mahadsanidiin waxaad gasheen taariikhda soomaaliyo garab istaageeda baalka dahabka ah,idinma iloobi doono ubadkeenana waxaan uga sheekeeyn doonaa waxtarkiini iyo garab istaagiini,mahadsanidiin magiciin hajiro
    ciso iyo karaamana allaha idiin siyaadiyo,
    hooyo soomaaliyeed ayaa markii madasweyne urdugaan muqdisho siyaarada ku yimid la weydiiyay maxaad leedahay booqashada urdugaan ee muqdisho.
    waxeey ku jawaabtay waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan iyo
    kalgaceyl,
    waxeey kaloo tiri urdugaan ducadeeni ayaaku dhacday waxoow wadankeena yimid anagoo tabardaran waana nagarab istaagay ,waxeey tiri maalintaas waxoow ahaay ra,iisulwasaare maantana waa madaxweyne,
    nacam hooyadaas soomaaliyeed waxeey ka tarjumeysaa aragtida qofkastoo soomaali ah oo qabo qalbi daacad u ah wadankiisa waayoo urdugaan iyo turkiyo waxeey wax u qabteen waa soomaali oo dhan.

    turkiyo hambalyo ayaan leenahay horumarka wadankooda ka socda.
    waxaan kaloo leeyahayabaalkiina ma gudi karno ee waxaan idinla garab taaganahay duco iyo walaalnimo iyo.
    TALAAHI WAXAAN KU MARAY INAAN TACABKAADU LUMIN.
    oo micnaheedu yahay inshaa allaah waxaan illaashan doonaa horuumarkaad wadankeena ka qabateen.

    yaa rabbi beledkeena nooga dhig mid amnigiisa iyo horuumarkiisa ay caalamku ku daydaan,isna raaci shacabkeena kana dhaxsaar qabyaalada iyo kala qaybsanaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here