Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarunta tababarka ciidamada Jasiira “SAWIRRO”

5720

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. MAASHA ALLAH MADAXWEYNAHEENA OO MARKASTO DHIIRI GELIYO CIIDANKA XOOGEENA DALKA,
    ciidamadu waa cisada dhulkeena waana in dowlad iyoshacabba isu kaashadaan in aan garab istaagno ciidankeena iyo sidaan u dhisan laheen ciidan xoog leh waayoo karaamadeenu waxeey ku jirtaa ciidankeenoo xoog leh,ciidan shisheeye wadan noo xoreyn maayaan marka waa in aan taasku baraarugsanaano,ciidamada wadanka joogo joogitaankooda waxeey u arkaan shaqo fursad u ah,marka yaan laga sugin ciidanka afriko ineey wadan noo xoreeyaan,waxaaba jirto kuwo ka mid ah oon soomaaliyo ineey nabad noqoto marna aan ogoleeyn,
    dowladu waa ineey muhiimada koowaad saarto dhisida ciidan xoog leh,kuna bixiso qarash xoog leh,hadaan rabno aan ku noolaano muufo iyo shaah laakiin ciidan aan dhisano marka hore, markii ciidan aan dhisano dhulkeenana noo xoroobo ayaan nolol tii ugu fiican ku noolaan doonaa laakiin aan isu kaashano dhisida ciidanka iyo xoreynta wadankeena dowlad iyo shacaba,illaaheey hagarab galo madaxweynaheena gulufka oow iclaamiyay ciidankana allaha ku guuleeyo ineey soo afjaraan tirtirida cadawga soomaaliyeed,allahna naga badbaadsho mu,aamaraadka noola maleegaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here