Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose “Sawirro”

59

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay janaasada Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna ku shahiiday howlgal ciidanku ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan degmada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey shahiidkan in uu abaalkiisa ka yeelo jannada, qoyskiisa, iyo Dowladda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booqday hooygooda magaalada Muqdisho, waalidiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here