Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah, haddii Alle idmo, waxa uu soo bandhigi doonaa guulaha uu gaaray dalkeenna, muddadii la soo dhaafay, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iideysto qaarad ahaan.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay tagay dalkaasi, ayaa horay uga qeyb galay kulan doceedyo gaar ah oo looga hadlay xaaladda dalka Koonfurta Suudaan iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here