Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Burundi “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Burundi, waxaana garoonka diyaaradaha Bujumbuura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Mudane Pierre Nkurunziza.

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here