Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay Taliyaasha Ciidanka Koonfur Galbeed kalana hadlay dagaalka Maleeshiyaadka Al Shabab “Dhageyso”

Madaxdeynaha Dowladda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Magaaladda Baydhabo ayaa halkaas waxaa uu kalumo kula qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Koonfurka Galbeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullah Farmaajo kadib shalay markii uu ka qeyb galay caleemo saarka Cabdicasiis laftagareen waxaa uu kulamo gaar gaar ah laqaatay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Waxgaradka.

Waxaa ka hadleen sidda ugu wanaagsan ee Odayaasha Dhaqanka doormuhiim ah uga qaadan lahaayeen dib u heshiisiin lasameeyo taas oo laga bilaabi doono Magaaladda Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Odayaasha Dhaqanka ku dhiiro galiyey inay arrintaas door wanaagsan ka qaataan.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu Baydhabo kula kulmay Taliyaasha Ciidanka Booliska iyo Malatariga kuwaas oo ka howlgala Koonfur Galbeed waxaana uu kala hadlay sidda loo xoojin lahaa dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Al Shabaaab oo dadka Soomaaliyeed dhibaato kuhaya3.

Sidda loo furi lahaa wadoooyinka xiran ayuu Madaxweyanaha kala hadlay Taliyaasha Ciidanka kuwaas oo dagaal kula jira Maleeshiyaadka Al Shabaab.