Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ku baaqay in Xukuumadda la Ansixiyo

2
6720

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin safarkii ugu danbeeyay oo uu tagay Dalka Kenya, Xaalada dalka, Abaaraha, dagaalka lagula jira Al-Shabaab, Xukuumadda Cusub iyo arrimo kale.

Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in asaga iyo dhigiisa Kenya ay isla qaateena in labo Isbuuc guduhooda duulimaadka ka baxa Muqdisho uu toos u gaaro magaalada Nairobi, xili markii hore dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan ku qabeen garoonka diyaaraha magaalada Wajeer oo la sii marsiin jiray.

“Sidoo kale waxaan isku afgaranay in Visa-ha loo fududeeyo Diplomaasiyiinta iyo shaqaalaha oo dowladda oo ay ka qaataan Airport-ka dhexdiisa, iyo sidiia aan u kobcian lahayn dhaqaalaha labada dal.” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay  in sidoo kale leesku raacaya in la sii xoojiyo xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale in dowladda Kenya ay tababar siiso shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya.

Shirkii IGAD.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in shirka looga hadlay arrimaha Qaxootiga, si wayna leesugu raacay inaan qasab lagu celin dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalka Kenya, wixii ku saabsan dib u celinaaatoodana  lagala xariiro Dowladda Soomaaliyeed.

Abaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay in Abaaraha ay saameeyeen dada badan oo Soomaaliyeed laakiin haatana uu jiro gar gaar badan oo soo gaaray dowladda oo ka yimid meelo kala duwan, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida aya dhexdooda isugu Gurmadeen.

Wuxuu sheegay in Abaaruhu ay markasta soo laalabtaan laakiin loo baahanyahay in loo diyaar garoobo oo aysan dada badan oo Soomaaliyeed aysan marakasta ku dhiman.

Balamadii Madaxweynaha.

“Hada Xafiiska waxaan joogaa Bil iyo Sideed iyo Cisho, waxaan ku guuleystay aniga oo jooga xafiiska 15-maalmood inaan magacaabo R/wasaare, sidoo Kale R/wasaarauhuna wuxuu ku guuleystay inuu 21-cisho ku soo magacaabo Golihiisa wasiirrada, waxaan Rajaynayaa Xubnaha golaha shacabka inay si deg deg ah u ansixiyaan Golaha wasiirrada cusub.” ayuu yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inuu iska sii socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro oo laga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Al-Shabaab ay dhibaato badan ku haayaan shacabka Soomaaliyeed dowladduna ay u diyaar gooroobayso dagaal ka dhana ah Argagixisada iyadoo dowladdu ay kaashanayso Caalamka.

La dagaalanka Musuq-maasuqa.

Madaxaweynaha ayaa sheegay muhiimadaha ugu horeeya dowladda inay tahay la dagaalka Musuq-maasuqa iyo Hufnaanta maamulka, wuxuuna tilmaamay Madaxweynaha in Musuqu uu yahay Kansar dilaa ah oo dowladaha baabi’iya.

Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaal badan loo galayo in Soomaaliya ay safka hore ka gasho dowladaha ku caan bahaya la dagaalka Musuqa iyo hufnaanta maamulka iyo dowlad wanaaga.

Xukuumadda Cusub.

Maxamaed C/laahi Faramaajo ayaa ugu Baaqay golaha shacabka inay Ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre, maadaama dalku haatan uu ku jiro xaalad adag loona baahanyahay waxqabad iyo isbadal deg deg ah.

Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ku yimid Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee la doortay 8-dii Febraayo ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaalyeed inay dowladda la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqayanayso in shacabku ay aaminaan in sidoo kale dalku uu la tartamo dunida kale ee hormartay ee waxqabsiga ku caan baxay.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. raiisulwasaaruhu waxoow sheegay markii la magacaabay inoow keeni doono wasiiro qibrad leh,waxoowkaloo sheegay inoow keeni doono wasiiro ow la xisaabtami doono,
    marka waxaa waajib ah in ra,iisulwasaaraha looga haro wasiirada oow keenay lalana xisaabtamo oo hadii wasiiradaoow keenay waxqaban waayaan la yiraahdo bedel wasiirkaan laakiin yaan lagu qasbin wasiiro owsan aqoon inoow keeno waayoo beri hadeey wax qaban waayaan isagaa madaxa laga saarayaa waxqabad la,aantooda,

    eedeynta iyo mooshinadu waa arrinkii dowladii hore lugaha ka gooyay oo ay labo sano ka socon weyday marka baarlabaanka soomaaliyeed ha ilaashado sharafkiisa waayoo waxaa la yiraahdaa ilmo aabahood ayaa ka weyn marka hadii baarlabaanki ka kori la,yahay mooshin iyo khilaaf maxaa lagu eedeynayaa ra,iisulwasaaraha,

    soomaaliyo maanta waxeey mareysaa meel culus oo khatar ah dadkeeni ayaa le,enaayo oon iyo gaajo darteed marka lama joogo meel laysku eedeeyo ee baarlabaanku ha u naxo dadkiisa abaaraha iyo colaada nabad diidku isugu darantay,hana ogaado inoow matalo shacabka soomaaliyeed,,madaxweyn aha idinkaa doortay madaxweynihi ra,iisulwasaare ayoow doortay ra,iisulwasaarihi wasiiro ayoow keenay,
    khilaafka joojiya dowlada ansaxiya dadkiina waxu qabta baarlabaanki soomaaliyeedoow,intaan shacabku idinka niyad jabin
    waayoo shacabka taageeradiisa ayeey baarlabaanku sharaf ku leeyihiin shacabkina waaka maalinkasto idinka dalbanaayo in aad dowlada ansaxisaan
    waxaa kaloo baaq idiin diray shiikhii culumada soomaaliyeed ugu weynaa oo maantana u taagan badbaadada shacabka soomaaliydd(shiikh gurxan) in aad ansaxisaan dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here