Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay

29

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hooyadiis ay ku geeriyootay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ku geeriyootay Baydhabo.

Alle S.W.T Qabriga ha u waasiciyo, ehelkana samir iyo iimaan haka siiyo.

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun”ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here