Madaxweyne Farmaajo oo u Magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

3825

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay isbedelada waaweyn ee uu wado madaxweynaha jfs waxana rajeynayaa in ay mirodhal noqondoonaan insha allah, anigana gaar ahaan waxan kacodsanayaa dowladda in ay shaqo isiiso maadaama an ahay qof jaamici ah waxan heystaa bachelor degree of development and international studies waxana leeyahay in kabadan 5 sano qibrad shaqo xaga maamulka ah, waxan rajeynayaa in ay dowladdu garato codsigeyga in sha allah, radio muqdishana waxan kacodsanayaa codsigeyga dowladda in ay ubandhigaan. mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here