Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka+Sawirro

Muqdisho-(Radio Muqdisho)-Madaxweynaha JFS Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo Marwada Koowaad ;  Saynab Cabdi Macallin ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka Mudane; Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo Marwadiisa; Laylo Maxamed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane; Cusmaan Kalluun ka dhagaystay talooyin dhaxalgal ah wax ku oolna u ah Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dalka ayaa waxa uu Mudane; Kalluun uga  warramay halka uu Dalku marayo iyo tallaabooyinka ay illaa iyo haatan Dowladdu qaadday si loo soo celiyo haybaddii Qarannimo ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here