Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo booqday bukaanno ku jira Isbitaal Digfeer

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta booqday isbitaalka Ordegan oo la dhigay qaar ka mid ah bukaanadii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa mid mid u booqday bukaanada dhaawaca qaba isagoo u qeybiyay lacag bukaanada dhaawaca ah.

Bukaanada uu booqday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumad Colaad Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, kaasoo ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood 2.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa u rajeeyay dhammaan bukaanada inuu Eebe caafimaad siiyo, waxaana booqashadiisa ku wehelinayay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabelle.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here