Golaha wasiirada Puntland oo maanta yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa “SAWIRRO”

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad gobaleedka  Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada  Puntland oo toddobaadkaan looga hadlay Amniga,  xaaladda Gobollada Puntland, abaaraha iyo arrimaha bini’aadanimada.