Madaxweyne Qoor-qoor oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Garoowe

Madaxweynaha galmudug Mudane  Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) ayaa ka tacsiyeysay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka, waxa uuna Alle (SWT) caafimaad deg-deg ah uga baryey dhammaan dadkii ku waxyeeloobay falkaasi gurracan

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Shacabka galmudug waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Dowlada iyo shacab weynaha Puntland oo aan uga tacsiyeynayo geerida guddoomiyaha gobolka Nuugaal Marxuum Cabdi Salaam Xasan Xirsi. Waxan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

Sidoo kale, Madaxweyne Qoorqoor ayaa si daran u cambaareeyay qaraxaasi arxan darrada ahaa. Waxa uuna ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada caadeysatay gumaadka umadda Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here